Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan ciidanka dowladda oo xalay Muqdisho isku dishay

Labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda, ayaa xalay degmada Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan Raanaboodka isugu geestay dil iyo dhaawac, kaddib muran la sheegay in uu soo kala dhax galay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid kamid ah askarta uu mooto ku tagay goobta uu falku ka dhacay, waxa uuna muran kooban kaddib rasaas huwiyay askari halkaasi ku sugnaa, kaa oo isna la sheegay in rasaas is difaac ku jawaabay.

Waxaa goobta ku geeriyooday askarigii tagay meesha wax ka dhaceen oo lagu magacaabayay Beerey Cabdi Xaaji, halka dhaawac culus uu isna soo gaaray askariga kale oo isna magaciisa lagu sheegay Cabdi Xujaale.

Ciidamo katirsan booliiska saldhigga Dayniile ayaa tagay goobta falku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaanno ku aadan sida falkan u dhacay, waxa ayna meydka askariga geeriyooday u qaadeen xarunta dambi baarista ee CID-da.

Magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay dilal iyo dhaawacyo ay isku geesteen askar kawada tirsaneed ciidanka dowladda, kuwaa oo mararka qaar marka ay isku dhacayaan la sheego in uusan miirkooda joogin ayna isticmaalaan maandooriyaal.

Screenshot

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xassan Shiikh iyo IMF oo la soo gebagebeeyey?

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo duqeyn ka geystay degaan ka tirsan Sh/hoose (Akhriso)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo ka socda Madaxtooyada kadib is casilaadii Jawaari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---