Ciidamada difaaca Puntland, ayaa saakay wada howlgal xooggan oo ka dhan ah xubno firxad ah oo katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo ku jira godad kuyaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Howlgalka ay wadaan ciidamada oo saacado socda , ayaa lagu dilay xubno badan oo katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo ku sugnaa aagga Sadow ee togga Baallade, waxaana xubnahan lagu burburiyay oo loogu galay godad ay gabaad ka dhiganayeen.
Ciidamada oo shalay hawlgal xooggan ku qaaday difaacyo adag oo ay mileeshiyaadka Daacish ka samaysteen togga Baallade, ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan difaacyadii kooxda, islamarkaana waxay halkaasi ku dileen firxad badan oo ka tirsan Daacish.
Saraakiisha ciidamada Puntland , ayaa ballanqaaday in ay soo bandhigayaan jabka saakay kooxda Daacish la gaarsiiyay, waxa ayna saraakiisha xuseen in hadda la sifeenayo godadka saakay loogu daatay kooxda Daacish ee xaalku ku xun yahay.