Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xir xiray qaar kamid ah dhallinyarada magaaladaasi, kuwaa oo lagu eedeeyay in maamulka ka horyimaadeen ayna abaabuleen dibadbaxyo.
Ciidamada amaanka ayaana beegsaday qaar kamid ah dhallinyaro hormuud u aheyd dibadbax nabadeed oo la qorsheenayay in lagu qabto magaalada Gaalkacyo, waxa ayna maamulka sidoo kale horey u joojiyeen dibadbaxaasi la abaabulay in uu dhaco.
Siyaasi Guuleed Saalax Barre, oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Madaxweyne Deni, ayaa si kulul u cambaareeyay xarig iyo tacadiyo kale uu sheegay in lagula kacay qaar kamid ah dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.
“Tacaddiga iyo xarigga laamaha Amniga Puntland ay kula kaceen dhallinyarada ka abaabulayey isusoo-baxa nabadeed magaalada Gaalkacayo waa fal ka soo horjeeda qodobbada 14 iyo 24-aad ee Dastuurka Puntland” ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax oo qoraal soo saaray.
Siyaasigan ayaa ugu baaqay maamulka Madaxweyne Deni in ay si degdeg oo bilaa shuruud ah usii daayaan dhallinyaradan xabsiyada lagu guray, waxa uuan wax laga xumaado ku tilmaamay in dhallinyarada magaalada cabashadooda xarig loogu beddelo si loo caburiyo.