Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo ka socda Madaxtooyada kadib is casilaadii Jawaari

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xiligan kulamo kala duwan oo xasaasi ah ka socdaan Vilal Soomaaliya, kulamadan ayaana xoogooda looga hadlayaa is casilaada Jawaari.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka socdaan kulamo looga hadlayo is casilaada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo tilaabooyinka xiga ee dowlada qaadeyso.

Waxaa sidoo kale kulamo ka socdaan Xarunta Villa Hargeysa oo ah halka uu dagan yahay kuna shaqeeyo Gudoomiyihii Baarlamanaka Soomaaliya Jawaari, waxaana halkaasi Jawaari kulamo kula leeyahay xubno kala duwan.

Jawaari ayaa lagu soo waramayaa in kulamo la leyahay qaar kamid ah Xildhibaanadii taageersanaa kuwaa uu ku qancinayo is casilaadiisa, waxa uuna Xildhibaanada u sheegay in go’aankaasi laga maarmaan noqotay in uu qaato.

Sida aan Wararka ku henay Xildhibaanada Kooxaha Damul Jadiid iyo Daljir ayaa ka carooday is casilaada Jawaari, waxaana Xildhibaanadan oo saakay isku balan saday in kulanka Baarlamaanka foodo ka kiciyaan lama filaan ku noqotay Iscasilaada Jawaari.

Is Casilaada Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya ayaa timid kadib kulamo saacado badan qaatay oo xalay Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay Jawaari kuna qanciyay in uu is casilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -