Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo ka falcelisay go’aan dhowaan ka soo baxay Maamulka Trump

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu baaqday in wadahadal diblomaasiyadeed laga yeesho xayiraadda socdaalka ee Mareykanku ku soo rogay muwaadiniinta Soomaaliyeed, taasoo noqotay tallaabo ay si weyn uga walaaceen mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay raadineyso la-tashi toos ah oo lala yeesho saraakiisha Mareykanka si loo fahmo sababaha dhabta ah ee xayiraadda, isla markaana loo helo xal waara oo arrintan looga gudbo.

“Dowladda Soomaaliya waxay si weyn u qiimeysaa xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Dowladda Mareykanka, waxayna diyaar u tahay wadahadal wax dhisaya si loo xalliyo cabashooyinka la sheegay,” ayuu yiri Danjire Daahir Carab oo ah safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey in muwaadiniinta ka soo jeeda 12 waddan laga mamnuucay in ay soo galaan Mareykanka, isagoo sheegay in tallaabadan lagu doonayo in laga hortago khataraha argagixisada iyo amniga qaranka.

Dalalka si buuxda loo mamnuucay ayaa kala ah: Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen.

Sidoo kale, muwaadiniinta ka imanaya 7 dal oo kale waxaa lagu soo rogay xayiraado xaddidan, waxaana dalalkaasi ka mid ah: Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.

Related posts

Xaalad adag oo ka taagan Muqdisho iyo dowladda oo indhaha ka eeganeysa

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka hadlay howlgalkii Mareyanku ka fuliyey Puntland

Caydiid Ali

Qadar oo Saraakiil iyo Ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya iyo Ujeedada laga …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---