Dowlada Somalia ayaa shaacisay in la dilay hogaamihihii Al Shabaab ee gobolada dhexe ee Somalia (Nuur Cabdi Rooble Nuunuule)
Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi ayaa warbaahinta dowlada ka sheegay in hogaamiyahan uu ku jiray Saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Al shabaab oo shalay lagu laayey degaanka Ceelhareeri ee gobolka Galgaduud ka dib duqeyn loo geystay goob uu shir uga socday.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa in la dilay horjoogihii ugu sareeyey howlgelinta weerarada Khawaarijta ee gobolada, Hiiraan, Galagaduud, Sh/dhexe iyo Mudug ka dib markii lagu dhaawacay duqeyntii shalay ka dhacday Ceelhareeri oo horjoogayaal iyo dhagarqabeyaal 40 ka badan lagu laayey” ayuu yiri Wasiirka.
Axmed Macalin Fiqi ayaa intaas ku daray in hogaamiye Nuunuule uu maanta 1dii Duhurnimo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray duqeyntii shalay ka dib markii buu yiri Al shabaab ay waayeen goob ay ku daweeyaan.
Waxaa uu sheegay in ninkan uu hormuud ka ahaa dagaaladii sanado ka hor Al shabaab ay ku qaaday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel xiligii ay halkaas ka talinayeen kooxda Ahlu sunna.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu sidoo kale ahaa maskaxdii ka dambeysey weeraradii ay dhowaanahan Al shabaab ku qaaday degaanada Galcad, Cowsweyne, Ceel la helay, Caad, Ceeldheer iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobolada Mudug, Sh/dhexe & Galgaduud.
“Waxaaa uu ahaa qodax ku taagan shacabka Soomaaliyeed oo ILAAHAY uu ka qabtay dhibaatada uu ku hayey, khawaarijtana wey ku adkaan doontaa iney helaan hogaamiye ka soo baxa gobolada dhexe oo isaga la mid ah, waana sida uu ku dambeyn doono hogaamiye kasta oo ka tirsan Al shabaab.” ayuu yiri Wasiiir Fiqi.