Ukraine ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo ah nooca Su-35 ah. Weli ma jiro wax war ah oo ku saabsan in kani uu ahaa iska horimaad xaga cirka ah oo ay ku lug lahaayeen diyaaradaha Ukraine, ama in ciidamada cirka Ukraine ay adeegsadeen nidaamka difaaca hawada am lidka diyaaradaha.
Warka ka soo baxay Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa u qornaa sidan:“Saaka oo ay bishu tahay June 7, 2025, natiijada hawlgalkii Ciidanka Cirka ee lagu guulaystay ee aagga Kursk, diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo ah Su-35 ayaa la soo riday!”
Diyaarada Su-35 ayaa ah diyaarad dagaal oo casri ah oo loo isticmaalo dagaalka. Waxa ayna soo riditaanka diyaaradan mar kale niyad jab iyo fashil ku tahay milatariga Ruushka, oo horey ula kilmay fadexo ka dhalatay weeraradii ka dhacay xeryo milatari.
Diyaaradan ciidamada cirka Ukraine soo rideen waxay la mid tahay nooca Maraykanka, ee aadka u horumarsan sida F-15 wanaa mid ka mid ah diyaaradaha uu ku faano Mareykanka.