Kilmar Abrego Garcia oo 29 jir ah oo ka soo jeeda EL Salvador, si khalad ahna loo tarxiilay bishii Maarso, ayaa dib loogu celiyay Maraykanka si uu u wajaho dacwado loo haysto oo ay ka mid yihiin laba dacwadood oo heer federaal ah.
Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qayb qaatay qorshe tahriibin ah oo socday dhowr sano oo la doonayay in muhaajiriinta aan sharciga haysan looga raro Texas loona geeyo meelo kale oo Maraykanka ah.
El Salvador ayaa ogolaatay in la sii daayo Ábrego García ka dib markii Maraykanku u soo bandhigay waaran qabasho, ayay tiri xeer ilaaliyaha guud Pam Bondi, Jimcihii.
Qareenkiisa ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo “aan caqligal ahayn”.
Bondi ayaa sheegay xeerbeegtida ay ogaadeen in Ábrego García uu “door muhiim ah” ka qaatay tahriibin kumanaan muhaajiriin sharci darro ah uu keenay Maraykanka. Eedeymahan oo soo taxnaa ilaa 2016-kii, ayaa lagu eedeeyay in uu dad aan sharciyeysneyn u kala gooshin jiray Texas iyo Maryland iyo gobollo kale in ka badan 100 mar.
Waxaa kaloo lagu eedeeyay in uu soo raray kooxda MS-13 oo Maraykanku u aqoonsan yahay argagixiso ajnabi ah.
Maamulka Trump ayaa horay ugu eedeeyay Ábrego García inuu xubin ka yahay burcad ka soo jeeda El Salvador, taas oo uu beeniyay.
Wuxuu kasoo muuqday dhagaysiga bilowga ah ee maxkamad ku taala Nashville, Tennessee Jimcihii.
Dhageysiga dacwadda ayaa la qorsheeyay 13ka Juun, halkaas oo xaakimka Mareykanka Barbara Holmes ay go’aamin doonto haddii ay jiraan sababo lagu sii hayo ka hor maxkamadeyntiisa. Hadda, Ábrego García waxa uu ku sii jiraa xabsiga federaalka.
Qareenada Ábrego García ayaa horay ugu dooday in aan waligiis lagu xukumin wax dambi ah, oo ay ku jiraan xubinnimada kooxaha buracada ah ee gudaha Maraykanka ama El Salvador.
Simon Sandoval Moshenberg oo ka mid ah qareennadiisa, ayaa eedeymaha ku tilmaamay “wax laga xumaado” iyo dhacdooyin “ku-takri-falka awoodda” oo uu ka sheegay shir jaraa’id, Jimcihii.
“Dowladdu waxa ay Kilmar u qaaday xabsi shisheeye taas oo jabinaysa amar maxkamadeed,” ayuu yiri Moshenberg. “Hadda, ka dib bilo dib u dhac ah oo qarsoodi ah, waxay dib u soo celinayaan, maaha inay saxaan khaladkooda laakiin waa si ay u dacweeyaan.”
Waxa uu intaasi ku daray “Tani waa ku takri fal awoodeed, ee maaha cadaalad, waa in dowladdu ay si buuxda oo cadaalad ah u horkeento isla xaakimkii laanta socdaalka ee dacwadda dhageystay 2019-ka.
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Jimcihii, madaxweyne Donald Trump ayaa ku tilmaamay Ábrego García “Nin xun” wuxuuna sheegay in waaxda cadaaladda ay qaadatay go’aan sax ah oo lagu soo celiyay dhulka Mareykanka si uu u wajaho maxkamad.
Mr Ábrego García waxa uu si sharci darro ah ku soo galay Maraykanka isaga oo kuray ah oo ka yimi El Salvador. Sannadkii 2019, waxaa isaga iyo saddex nin oo kale lagu xiray Maryland oo ay xireen mas’uuliyiinta socdaalka federaalka.
Laakin xaakim socdaalka ah ayaa ka badbaadiyay masaafurinta sababo la xiriira in laga yaabo in uu halis ugu jiro cadaadis uga imaanaya burcadda maxaliga ah ee dalkiisa El salvador.
15-kii Maarso, waxaa la masaafuriyay iyada oo ay socoto olole dhanka socdaalka ah oo uu sameeyay maamulka Trump, ka dib markii Trump uu u cuskaday Xeerka Cadawga Shisheeyaha, oo ah sharci waqti dagaalka oo u oggolaanaya madaxweynayaasha in ay xiraan ama masaafuriyaan muwaadiniinta u dhashay waddan cadow ah.
Source Bbc