War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa walaac looga muujiyay hannaanka loo marayo xulista xubnaha kamid noqonaya guddiga madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Madasha , ayaa sheegtay in habka loo marayo soo xulista guddigan uu yahay mid aan sax aheyn, waxa ayna sheegtay in dowladda faragelin ku heyso lagana dhigayo xubnaha guddigan kuwa magacyadooda lasoo gudbiyay oon ku imaan habraac sax ah.
Warka kasoo baxay Madasha ay ku mideysa yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa loogu baaqay dowladda in la hakiyo xulista magac u yaalka ah ee guddiga Xaquuqul Insaanka, waxa ay sidoo kale Villa Soomaaliya iyo Xukuumadda ugu baaqeen in faragalinta ka dhaafaan dhismaha guddiga Xaquuqul Insaanka ee madaxabannaan.