Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo go’aan kasoo saaray kala diristii Guddiga Maaliyadda (Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kahor yimid kala diristii muranka badan dhalisay ee guddiga Maaliyada iyo miisaaniyada ee golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa lagu faray Guddiga maaliyada iyo miisaaniyada in shaqadooda ay sii wataan soona dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019.

Gudoomiyaha golaha shacabka qoraalka uu soo saaray ayaa sidoo kale lagu faray Xukuumadda inay u hoggaansanto shaqada Guddiga Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Gudoomiyaha golaha shacabka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raali Galin ku socota Dhamaan Akhristayaasha Shabakada Allbanaadir Online

Cabdi Cade

Saacadaha Bandowgii Muqdisho oo la kordhiyey & amaro cusub oo soo baxay

Caydiid Ali

Hay’ada NISA oo soo bandhigtay Sargaal kasoo goostay Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---