Kulamo Xasaasi ah oo ka socda Villa Soomaaliya iyo Go’aankii Gudoomiye Mursal oo…

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka socdaan kulamo xasaasi ah oo looga arinsanayo go’aankii uu Gudoomiyaha golaha shacabka uga hor yimid kala diristii Guddiga maaliyada iyo miisaaniyada .

Kulamada ayaa ka socda howga Madaxweyne Farmaajo ka degan  yahay Madaxtooyada, waxa ayna kulamadan u dhaxeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo labada Gudoomiye kuxigeen ee golaha shacabka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waji gabax waxaa ku noqday go’aanka gudoomiyaha golaha shacabka uga hor yimid kala diristii guddiga Maaliyada, waxa ayna Madaxda ka arinsanayaan sidii laga yeeli lahaa go’aanka Gudoomiyaha golaha shacabka.

Sida aan Wararka ku helay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka dambeysay go’aankii markii hore lagu kala diray guddiga maaliyada oo lagu eedeeyay in ay diyaariyeen warbixin aan xaqiiqo ku saleysneyd.

Go’aanka uu maanta qaatay Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa u muuqata mid xiisad siyaasadeed ka dhax abuureysa madaxda sare ee dalka, waxa uuna go’aankan muujinayaa in Gudoomiye Mursal uusan aheyn nin waxii la doono loo yeerin karo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -