Raali Galin ku socota Dhamaan Akhristayaasha Shabakada Allbanaadir Online

Cilad lama filaan ah oo lix maalmood ka hor soo wajahday barta Internetka ee Shabakada Allbanaadir Online ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in la xaliyo kadib dadaalo badan oon sameynay.
 
Ciladan oo bilaabatay habeenimadii ay Axadu soo galeysay oo taariikhdu ku beegneyd 1-da bisha November ee sanadka 2020, socotaynaa illaa maanta 6ta Novembar ayaa sababtay in Shabakada Allbanaadir.com ay guud ahaan hawada ka maqnaato muddo shan maalmood ah.
 
Maamulka Shabakada Allbanaadir online isagoo ka xun cilada dhacday waxaa uu akhristayaashiisa sharafta leh ee ku xiran Websetka ka raali gelinayaa mudada kooban ee uu hawada ka maqnaa.
 

“Dedaal badan ka dib ciladii jirtay haatan waala xaliyey, waxaana akhristayaasheena qiimaha leh ku wargelinaynaa in sidii horeyba looga bartay ay Shabakada allbanaadir online kala socon doonaan si joogto ah wararkii iyo warbixinadii maalinlaha ah ee ay ka heli jireen “ayuu yiri Agaasimaha Shabakada Allbanaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -