Gudoomiye Mursal oo Waji cusub lasoo baxaya iyo Madaxtooyada oo ka wal walsan !!

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa ku eedeeyay in Mursal uu noqday mid magac u yaal ah oon wax saameyn ah ku laheyn talada dalka, waxa ayna sheegeen in aan Mursal lagala tashan fara galinta iyo foodada ay dowlada ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

Kulan ka dhacay xarunta Villa Hargeysa uu ka qeyb galay Gudoomiyaha golaha Shacabka sidoo kale joogeen Gudoomiyaashii hore ee golaha Shacabka , Xildhibaano iyo senetaro kasoo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa si weyn loogu canaantay Gudoomiye Mursal.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gudoomiye Maxamed Mursal uu garawsaday eedeemaha loo soo jeediyay, waxa uuna u balan qaaday Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed in uu la imaan doono isbadal deg deg ah .

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in khaladaad badan dhaceen maalmihii uu dalka ka maqnaa, waxa uuna cadeeyay in uu kasoo bixi doono kaalintiisa lana arki doono saameynta uu dalka ku leeyahay.

Mursal ayaa sheegay in Xukuumada kahor istaagi doono qaska ay ku wado doorashada Koonfur Galbeed, waxa uu sidoo kale balan qaaday in awoodiisa u adeegsan doono in aan Doorashada laga hor istaagin Sheekh Mukhtaar Roobow.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa garab istaag u balan qaaday Gudoomiyaha golaha hacabka hadii uu ciyaaro kaalinta uu leeyahay, waxa ayna ku booriyeen in uu noqdo nin talada dalka wax ku leh balse uusan noqon nin lagu dan gaaro.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa la filayaa in uu la yimaado isbadal cusub lana oo baxo waji ka duwan kii hore looga bartay, waxaana dadka siyaasada falanqeeya aaminan yihiin in isbadalka cusub uu Mursal la yimaado saameyn ku reebi doonto Madaxtooyada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in talaabooyinka ugu horeeyo uu qaadayo Gudoomiyaha golaha shacab kuna soo bandhigayo awoodiisa ayaa waxaa kamid ah in uu ka hor yimaado kala diristii guddiga Maaliyada golaha shacabka  .

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey loo sheegay in iyagu kursiga keeneen Maxamed Mursal si dantooda u meel mariyo, waxa ayna niyad jab ku abuuri doontaa Madaxtooyada hadii uu isbadal iyo waji cusub lasoo baxo gudoomiyaha golaha shacabka.

Gudoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa xilka looga tuuray xoog kadib markii uu ka dhago adeegay fulinta rabitaanka Madaxtooyada, waxa ayna taasi horseeday in Jawaari banaanka la dhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -