Saacadaha Bandowgii Muqdisho oo la kordhiyey & amaro cusub oo soo baxay

Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar)

Si sare loogu qaado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19, milkiilayaasha Makhaayadaha waxaa la farayaa inay makhaayadaha furan 5:00 Galabnimo, adeeggoodana u baddelaan Qaado oo Soco  (Take Away), ayna xiraan 7:00 Fiidnimo.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar),oo warbaahinta la wadaagay amarrada kasoo baxay dowladda ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka COVID-19, ayaa gaadiidka dadweynaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay faray inay yareeyaan dadka ay markiiba qaadaan oo ku ekeeyaan kala bar tirada dadkii markii hore ay qaadi jireen, dakana kala fogeeyaan.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in xilliyada oo dhan la fariisto makhyaayadaha iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Dhammaan ammarradii hore ee ku xeernaa bandowga waa sidoodii marka laga reebo wax ka bedelka lagu sameeyay waqtiga uu billaabmayo.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee sida haboon ugu hoggaansamay dhaqan gelinta bandawga iyo dhammaan amarradii ku xeernaa iyo ciidamada amniga ee iyaguna sidii ay ahaayeen u fuliyay amarradii dowladdu siisay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -