Hay’ada NISA oo soo bandhigtay Sargaal kasoo goostay Al Shabaab

Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay sargaal la sheegay in uu kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo mudu sanado ah katirsanaa.

NISA ayaa sheegtay in Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), uu ahaa sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab, waxaana ninkan kahor inta uusan isa soo dhiibin xiriir lasoo sameeyay Hay’ada NISA.

”Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa” ayaa lagu yiri qoraal NISA kasoo baxay

Qaar kamid ah gobolada dalka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay lagu soo bandhigayay saraakiil iyo dagaalyahano la sheegay in ay kasoo goosteen Al Shabaab, kuwaa oo isku soo dhiibayay ciidamada Amaanka.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -