Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inuu u codeeyo qaraar mashruuc ah oo ku baaqaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda marinka Qaza ,loona qaado xayiraadaha ka dhanka ah gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dadka shacabka ah.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa u sheegay warbaahinta in tobanka waddan ee loo doortay xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ku jirto Somalia ay codsadeen in loo codeeyo qaraarkan bani’aadantinimo, kaas oo ku baaqaya in xannibaadaha la saaray gelitaanka gargaarka si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo qaado, lana siiyo Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda oggolaansho ay gargaarka ugu qaybiyaan dhammaan qaybaha ka mid ah Qaza.
Sidoo kale, ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in qaraarku sidoo kale ku baaqayo in dib loo soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee Qaza, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah.
Arrintan waxay imaanaysaa xilli go’doominta iyo gaajadu ay si daran u saameeyeen shacabka intii uu socday dagaalka Israa’iil ay kawado marinka Qaza, iyadoo dunida oo dhan ay cambaareynayso weerarrada isdaba joogga ah ee lala beegsanayo Falastiiniyiinta cuntada raadinaya .