Allbanaadir.com
NEWS

Dowladii uu horkacayey Ra’isul Wasaare Dick Schof oo burburtay

Dowladda dalka Holland oo uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Dick Schoof ayaa burburtay. ka dib markii xisbiga midigta fog ee PVV uu isaga baxay isbaheysiga talada haya sababo la xiriira khilaaf muddo dheer soo socday oo aan la xalin.

Sida ay sheegtay warbaahinta Holland khilaafka ayaa salka ku haya siyaasadda magangalyada iyo socdaalka iyo sidii laga yeeli lahaa shuruuc badan oo dhanka socdaalka ah oo Baarlamaanka dalkaas la hor geeyay.

Geert Wilders, oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee PVV, ayaa xadhiga ka jaray isbahaysiga subaxnimadii Talaadada, isaga oo ku eedeeyay saddexda xisbi ee kale in ay ku guuldaraysteen in ay taageeraan qorshayaashiisa uu ku soo bandhigayo “nidaamka magangalyada ugu adag abid” iyo qorshe 10-dhibcood ah oo lagu dhawaaqay shir jaraa’id toddobaad ka hor.

“Ma jiro wax saxiix ah oo loogu talagalay qorshayaashayada magangalyada, ma jiraan wax isbeddel ah oo lagu sameeyay heshiiska isbahaysiga ugu weyn. PVV waxay ka baxaysaa isbahaysiga,” Wilders ayaa ku yiri warbaahinta bulshada.

Raiisel wasaaraha Dick Schoof ayaa hadda la filayaa inuu istiqaaladiisa u gudbiyo boqorka ka hor inta aysan dhammaan maalintaas. Doorasho cusubi ma dhacayso ilaa dayrta.

Geert Wilders waa hogaamiyaha xisbiga PVV xisbi midigta fog diidan soogalootiga, doorashadii u danbaysay ee Holland wuxuu helay kuraas badan laakin uma suurtoobin in uu xukuumad soo dhiso taas badalkeeda labo xisbi kale ayuu xukuumad wadaag la noqday.

Isla xukuumadii uu qaybta ka ahaa ayuu asbuucii hore hor dhigay shuruudo ay ka mid yihiin sida loo xakamayn lahaa qaxootiga markii ay fulin waysay wuxuu dib uga gurtay xukuumad wadaagii, taasoo la macno ah in la aadi karo doorasho waqtigeeda laga soo hormariyey.

Related posts

Gudoomiye Aadan Madoobe oo Magacaabay guddi saaxiibtinimo oo ka kooban 15 Xildhibaan

Caydiid Ali

Askari dab qabadsiiyey Markabka dagaalka USS Bonhomme oo dacwad lagu soo oogay

Caydiid Ali

Maxkamada Ciidanka Jubbaland oo xukuntay xubno ku eedeysan Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---