Dagaal aan waxba layskula harin ayaa ka socda baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay kaasoo u dhexeeya saaxiibadii siyaasadda ku midaysnaa ee Elon Musk iyo Donald Trump.
Maalqabeenka Elon Musk oo dhawaan ka tegay xilkii uu ka hayey xukuumadda Trump ayaa sheegay in sida Maraykanka loo hoggaaminayaa ay tahay mid halis ah oo u baahan badbaado, isagoo eedo badan u jeediyey madaxweyne Trump.
Sidoo Musk waxa uu ku hanjabay in uu bedka soo dhigi doono qaddiyada la xiriirta Epstein oo ahaa maalqabeen xabsiga lagu dhex dilay xil hayntii hore ee madaxweyne Trump.
“Trump , wuxuu ku jira kiiska Jeffrey Epstein, waana sababta illaa hadda aan loo shaacin, waa xilligii qaraxa weyn uu dhici lahaa.” ayuu yiri Musk.
Jeffrey Epstein, waa maalqabeen lahaa jasiirad gaar ah oo sannadkii 2019-kii oo xabsi isku dhex dilay, isagoo gacanta ku hayay muuqaallo iyo sawirrada inta badan madaxda adduunka , dadka caanka ah iyo maalqabannada oo sameynaya falal anshax darro ah, hadda Elon Musk, ayaa sheegay inuu Trump ku lug leeyahay kiiska oo uu ku jiray dadka jasiiradda u tagi jaray falal anshax darro ah.
Elon ayaa ku doodaya in aanu Trump guul ka keeneen doorashada haddii aanu isagu taageersanaan lahayn.
Dhinaciisa Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu joojin doono dhammaanba qandaraasyadii dawladda ee la siin jirey Elon Musk.
“Waa in la joojiyo deeqaha iyo qandaraasyada dawladeed ee la siiyo Elon Musk. Mar walba waan la yaabay sababta uu Madaxweyne Biden arrintaas horey wax uga qaban waayay! Elon wuxuu noqday mid aan loo dulqaadan karin, waxaan u sheegay inuu xilka isaga tago, waxaan baabi’iyay amarkii khasbayay dadka inay iibsadaan baabuur koronto ah—kuwaasoo aanay dad badani xiiseynayn, isaguna uu horey u ogaa in aan tallaabadan qaadi doono—markaas ayuu si xad dhaaf ah u carooday!” ayuu yiri Trump
Elon Musk, ayaa si dhaqso leh uga jawaabay hadalkii ka soo baxay Trump ee la xiriiray in la kansalay dhammaan qandaraasyadii ay dawladda lahayd ee uu ka faa’iideysanayay Musk. Wuxuu sheegay Musk, in dhankiisa uu joojiyay adeegsiga dayax-gacmeedka Dragon oo ay leedahay shirkadiisa SpaceX, oo hawada sare geeya cilmi baarayaal iyo qalabka heyadda NASA, oo Mareykanku ka faa’iideysanayay.
Talaabadan ayaa hadii laga dhabeeyo saameyneysa Hawlaha NASA iyo SpaceX ee wadajirka ah maadaama dayax-gacmeedka Dragon uu yahay mid kamid ah dayax-gacmeedyada ugu muhiimsan ee sahay iyo cilmi baarayaalba geeya hawada sare.
Shirkadda SpaceX waxay lumin kartaa dakhliga qandaraasyada ay ku heli jirtay hawlgalladaas Waxay sidoo kale dib u dhac ku keeni kartaa qorshayaal tijaabo iyo cilmi baaris oo ay waddo heyada hawada sare u qaabilsan Mareykanka ee NASA.
Dagaalka labada nin ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya oo bannaanka keeni doono fadeexado waaweyn oo la qarin jirey.
Carada Musk ayaa timid ka dib markii Shirkaddiisa oo uu qorsheynayay wax soosaarkeeda inuu adduunka ku qabsado ee Tesla ay la kulantay burbur dhaqaale iyo hoos u dhac 72% , saddexdii bilood ee ugu horreysay sannadkan, balse hadda shirkadda waxay hoos u daadanaysa, markii la xaqiijiyay inay isku dhaceen Trump iyo Musk oo ka tagaya jagada uu ka hayay maamulka Trump .
Waxaa jirta khasaare shaqsi oo Musk, sidoo kale ka soo gaartay canshuurihii uu soo saaray Trump, markaasoo in ka badan boqol bilyan uu khasaaray. Tan iyo markii uu ku biiray siyaasadda Musk , ma jirto wax faa’iido dhaqaale ah oo uu la kulmay, taas beddelkeeda wuxuu wajahay khasaarihii u sarreeyay.
Elon Musk, wuxuu astaan u ahaa ololihii doorasho ee Madaxweyne Trump Maanta wuxuu jooga inuu dadweynaha Mareykanka u sheego qof khaldan inay doorteen, isagoo ula jeeda Trump oo 250 milyan oo dollar uu ku taageerray doorashadiisa. Waxa kale ee isku dhaca Trump iyo Musk , uu muujinayo waa Trump , inuu yahay nin garanaya mas’uuliyada u qaaday, taasoo ku filan marka la tixraaco iskudaygii uu Musk , ku doonayay inay golaha maamulka Trump noqdaan, kuwa isaga dhageysta, wuxuu kala kulmay waji-gabax uu ka yimid Trump oo mar walba dhinac istaagay golihiisa maamulka.