Hay’adda sirdoonka Ukraine (SBU) ayaa maanta ka fulisay gudaha Ruushka howlgal gaar ah oo cusub, labo maalmood uun kaddib markii Ukraine ay fulisay mid ka mid ah hawlgalladii ugu halista badnaa dagaalka, iyadoo bartilmaameedsatay saldhigyada istaraatijiga ah ee ciidanka cirka Ruushka oo ay ku qarxisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Warsaxaafadeed iyo muuqaal, ay waxyar ka hor sii deysay hay’adda sirdoonka Ukraine ee SBU, waxaa lagu sheegay in weerar la diyaarinayay muddo bilooyin ah la fuliyay horraantii maanta, kaddib markii kumannaan kiilo oo walxaha qarxa si qarsoodi ah loogu xiray buundada Crimea, oo maanta la qarxiyay, taasoo ka dhigan jasiirad uu Ruushka horey uga qabsaday Ukraine , hadda in laga go’doomiyay dhulka kale ee Ruushka oo laga jaray in la isaga gudbo, sababtoo ah waxay Ukraine adeegsatay qaraxyo lagu xiray gunta hoose ee tiirarka ay buundadan ku taagnayd ee biyaha dhexdooda.
Howlgalkan waxay Ukraine sheegtay inuu ahaa mid istaatiji ah oo lagu joojinayo marinka ay adeegsadaan ciidanka Ruushka ee weerarrada ka fuliya gudaha Ukraine.
Weerarkan cusub ee la qarxiyay biyaha hoose ee buundada Crimea wuxuu muujinayaa kororka kartida iyo xeeladaha cusub ee ay Ukraine adeegsanayso dagaalka socda. Buundada Crimea, oo ah mid istaraatiji ah oo isku xirta Ruushka iyo jasiiradda Crimea, ayaa horey dhowr jeer loo bartilmaameedsaday maadaama ay tahay marin muhiim ah oo ciidan iyo sahayba loo adeegsado.
SBU waxay u muuqataa inay horumarinayso awooddeeda hawlgallada khaaska ah, gaar ahaan kuwa qarsoon (covert operations) iyo weerarrada sababa saameyn istaraatiji ah. In weerarkan uu biyo hoostiis ka dhacayna waxay muujinaysaa horumar dhanka farsamada ah iyo isku xirka sirdoonka iyo ciidan.Tani waxay sidoo kale kor u qaadaysaa culeyska uu Ruushka kala kulmayo difaaca buundadan.