Maamulka Madaxweyne Trump ayaa faahfaahiyey sababta ay Soomaalida loogu daray liiska dalalka laga mamnuucay in dadkooda ay booqdaan Mareykanka.
Qoraal ka soo baxay aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Somalia aysan laheyn maamul dhexe iyo nidaam sugan oo dhinaca socdaalka ah
“Soomaaliya, malaha maamul dhexe oo karti leh oo lala shaqayn karo, DFS ma maamusho dhulkeeda; oo ah hoyga xagjiriinta, mana laha nidaam sugan oo lagu hubiyo dadka, waxayna diideen in ay ceshtaan dadkooda iska soo galay Mareykanka.” ayaa lagu yiri qoraalka.
aqalka Cad ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliga iyo Dokumentiyada kale ee laga bixiyo Soomaaliya aan lagu kalsoonaan karin musuqa hareeyey nidaamka lagu bixiyo awgood.
“Baasaboorka ama dokumentiga madaniga ah mana laha tillaabooyinka baarista iyo shaandhaynta ku habboon. taasoo si weyn u xadidaysa kalsoonida lagu qabi karo marka la eego Khataraha argagixisanimo oo joogto ka ah gayiga Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya u aqoonsatay meel ay gabaad ka dhigtaan argagixisada. Argagixisadu waxay gobollada Soomaaliya ka dhigtaan gabaad nabdoon oo ay ka qorsheeyaan, hawlahooda. Soomaaliya ayaa sidoo kale ah weli meel ay tagaan shaqsiyaadka isku dayaya inay ku biiraan kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah amniga qaranka Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka aqalka Cad
“Dowladda Soomaaliya ayaa halgan ugu jirta sidii ay u heli lahayd dowladnimo loo baahan yahay si loo xaddido xorriyadda dhaqdhaqaaqa argagixisada. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya taariikh ahaan way diidday in ay dib u soo celiso muwaadiniinteeda sharci darada ku soo galay Mareykanka” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka aqalka cad ka soo baxay
Talaabada Mareykanka ayaa ku soo beegantay xili musuqii ugu xumaa uu ka jirto laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Somalia ee qaabilsan bixinta baasaboorka ka dib markii Mustaf Dhuxulow oo hogaamiyaha heyadaas uu ka dhigtay goob uu ka sameeyo dhaqaale fara badan, iyadoo baaaboorka Soomaaliga iyo kan diblomaasiga la siiyo qof walba oo dhaqaale bixiya.