Madaxweyne Trump oo shaaciyay sababta ay u dileen Jeneraal Qaasim Sulaymaani

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa shalay subax duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Bagdaad ee caasimada dalka Ciraaq waxa ay ku dileen Hogaamiye sare oo katirsanaa ciidamada ilaalada Kacaan ee Iiraan.

Duqeynta Mareykanka fuliyay waxaa ku dhintay Jeneraal Qaasim Sulaymaani oo ahaa taliyihii guutada Qudus ee katirsan ciidamada kacaanka Iiraan, waxaa sidoo kale duqeynta ku dhintay saraakiil kale oo Iiraan u dhashay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dilka sargaalkan u dhashay Iiraan ay iyagu ka dambeeyeen, waxa uuna sheegay in sababta ay u dileen sargaalkan uu ahaa in ay joojiyaan dagaal ay la galaan Iiraan.

Donald Trump ayaa sheegay in hada soo dhamaaday waqtigii argagaxa lahaa ee Jeneraal Qaasim Suleymaani, waxa uuna Trump Jeneraalka la dilay ku eedeeyay in uu qorsheenayay weeraro ka dhan ah danaha Mareykanka.

Dilka loo geestay Jeneraalka Iiraan ka ahaa halyey iyo geesi Qaran ayaa abuuray caro badan, waxa ayna dowlada Iiraan ku hanjabtay in uusan dhiig Jeneraalka meel cidlo looga tagi doonin una aar gudi doonaan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dilka Qaasim Suleymaani uu horseedo dagaal, waxaana hadalka u muuqda jees jeeska ee kasoo baxay Madaxweyne Trump laga yaabaa in uu uga sii daro xiisada iyo carada Iiraan ka imaaneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -