Xiisad diblomaasiyadeed oo cakiran ayaa ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaddib markii wafdiga rasmiga ah ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya Shirweynaha 113-aad ee Shirweynaha Shaqaalaha Adduunka (ILC) ee ka socda magaalada Geneva ay si buuxda uga qayb qaateen olole ay hoggaaminayaan waddamada Afrikaanka ah oo cambaareynaya xaaladda shaqaalaha ajaanibta ah ee ka xoogsada Sacuudiga.
Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa lagu eedeeyay inay si muuqata u taageereen ololaha, iyadoo xubno ka tirsan wafdigaas, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU, ay si cad ugu hadleen baahida isbeddel lagu sameeyo xeerarka shaqada ee Sacuudiga.
Warar laga helay ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan Geneva ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada ee Sacuudiga iyo Safaaradda Sacuudiga ee Qaramada Midoobay ay haatan wadaan shirar degdeg ah oo ka dhacaya Switzerland, kuwaasoo lagu muujinayo “walaac weyn iyo niyad-jab” ka dhashay doorka Soomaaliya ee ol’olaha.
“Boqortooyada Sacuudiga waxay muddo dheer ahayd saaxiib dhow iyo garab istaag joogto ah u ahaa Soomaaliya,” ayuu yiri ilo diblomaasiyadeed. “Waa arrin murugo leh in Soomaaliya, oo aan walaalo nahay, ay oggolaato in wafdigeeda rasmiga ah lagu adeegsado olole si cad u weeraraya Sacuudiga iyada oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah laga hormarin.”
Afkaarta iyo hadallada kasoo yeeray xubnaha xiriirka la leh ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee qeyb ka ah wafdiga ayaa lagu tilmaamay kuwo “kacsan oo dhaawacaya” xiriirka laba geesoodka ah, iyada oo sidoo kale laga digayo in arrintani ay khatar gelin karto taageerada dhaqaale iyo barnaamijyada horumarineed iyo gargaarka ee Sacuudigu ka taageero Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa su’aalo laga keenay sida loo dhisay wafdiga Soomaaliya iyo in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u ogayd saameynta siyaasadeed ee ka dhalan karta ka qaybgalka ol’olaha. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa ku tilmaamay in ka qaybgalka Wasiirka Shaqada uu yahay “qiyaas xumo siyaasadeed” maadaama Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay Sacuudiga marka la eego taageerada dhaqaale, maalgashi iyo heshiisyada shaqo abuurka.
Khabiir arrimaha Geeska Afrika ah ayaa ka digay in haddii aan si xasaasi ah loo maarayn xiisaddan, ay kasii dari karto. “Soomaaliya waa in ay si dhaqso leh u caddeysaa mowqifkeeda,” ayuu yiri. “Xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Sacuudiga waa mid istiraatiiji ah oo aan lagu lumin karin olole ay diblomaasiyaddu ka maqan tahay.”
Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada kama aysan bixin wax bayaan ah oo ku saabsan dhacdadan. Waxa la sugayaa in dadaallo hoose oo diblomaasiyadeed ay xal u keenaan xiisaddan, si loo badbaadiyo xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Wasiirka ayaa waxaa ololahan dhiiqada ah lugaha u galiyey Cumar Faaruuq Cusmaan oo sheegta inuu yahay gudoonka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed , kana tirsan wafdigiisa, iyadoo arrintan ay soo dedejin karto in Wasiirka uu xilkiisa waayo si loo qanciyo boqortooyada Sacuudiga.