Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo War cusub ka soo saartay dibed- baxii lagu balansanaa ee Mucaraadka

Xukuumadda Somalia ayaa shaacisey in dowladdu ay mucaaradka ka dalbatay in banaanbaxa u qorsheysan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow oo laga waareejiyo fagaaraha Daljirka, balse ay ka biya diideen.

Xukuumaddu waxay ku sheegtay qoraal ay soo saartay in dalabkaas ay uga gollaheyd in la helo fursad lagu xaqiiji karo habraacyada xakamaynta COVID-19, laakiin hadda ay ogolaatay markii mucaaradku ku adkaystay fagaaraha tallada Daljirka Dahsoon.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeed dhameystiran

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Golaha Wasiirrada Somaliland oo shirkoodii ugu dambeeyay oo xasaasi ahaa yeeshay

Cabdi Cade

Xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo maanta la ansixiyay (Akhriso Akhriso)

Cabdi Cade

Xaaf oo degmooyin cusub ku kordhiyey degaanada Maamulka Galmudug (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---