Gaari uu la socday Abaanduulle ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la qarxiyey

Abaanduullaha Guutada labaad ee Ciidamada Xoogga dalka Cali Cariif ayaa ka badbaaday qarax loogu xirey gaarigiisa oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Cali Cariif ayaa gaarigiisa xilliga uu qarxayay waxa uu ku jiray gudaha Warshada Dharka Somalitex ee degmda Balcad.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhaawacmen ilaa 5 askari oo ka mid ah ilaalada abaanduulaha kuwaasoo loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaan ka hadlin qaraxa ka dahcay gudaha degamdaas oo maalmaahan ay ku soo bateen weerarada Al-Shabaab.

Xalay iyo habeeno ka horeeyey ayey aheyd markii tiro hoobiyeyaal ah xoogaga Al-Shabaab ay ku soo weerareen fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmda Balcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -