Siyaasiga Caanka ah Mudane Raila Amolo Odinga, ahaana Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, ayaa hoyga uu ka deggen yahay Nairobi kulan sharafeed sagootin ah kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar ku jooga Magaalada Nairobi.
Waxa xusid mudan in Mudane Raila Odinga uu muddo dheer ahaa saaxiib dhaw iyo taageere mayal-adag oo ay Somaliland leedahay.
Intii uu socday kulanka ayaa labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya, iyo sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen xagga dhaqaalaha, isku socodka, aqoonta iyo arrimaha isteraatejiga ah.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu mahad naqay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee uu Mudane Raila Odinga la leeyahay Somaliland iyo taageeradiisa uu muddada dheer la garab taagan yahay Somaliland.