Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo Somalia ku wareejiyey dayuuradaha weerarka ee T129

Turkiga  ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay saddex diyaaradood oo nooca weerarka ah ah (T129 ATAK helicopters) sida ay shaaciyeen warbaahinta Turkiga

Soomaaliya ayaa noqotay  dalkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee hela diyaaradahan dagaal ee Cajiibka ah. Sidoo kalena dalkii sadaxaad ee carbeed.

Erdogan wuxuu maalmo ka hor u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in Turkigu taageersan yahay himilada Soomaalida ee ah dal isku filan , wuxuu u sheegay  madaxweyne hassan Sheikh in Turkigu sii xoojin doono garab istaagga uu Soomaaliya ka siinayo la-dagaallanka argagixisada turkigana uu yahay wehelka iyo walaalka soomaalida.

Diyaaradahaan waxaa Turkiga horay uga iibsaday dalalka Qatar, Pakistan, Philippines iyo Sucuudiga oo dhawaan saxiixay heshiis uu kala wareegayo inkastoo aan wali lagu wareejin

Related posts

Wasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade

Lacag badan oo laga bixiyay Akoonada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hanti Dhowrka oo..

Cabdi Cade

Masuuliyiin xirtay Darees ciidan oo gaaray magaalada Buula-burde (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---