Artem Timofeev, oo 37 jir ah, ayaa loo tuhunsan yahay inuu abaabulay weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay shalay ku qarxisay saldhigyo milatari oo istaariji ah. Waxa uu dhowr sanno ka hor noqday muwaadin Ruush ah, wuxuuna iska diiwaan geliyey ganacsiyo gaar ah sannadkii 2024. Waxa uu iibsaday afar baabuur xamuul ah oo markii dambe loo adeegsaday weerarradii shalay dhacay, oo mar horaba lagu sheegay inay ahaayeen weerarradii ugu sarreeya ee Ruushka uu la kulmay, wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka.
Barihiisa warbaahinta bulshada ayaa muujinaya inuu si cad u taageersan yahay Ukraine. Timofeev horey wuxuu u ahaan jiray DJ,wuxuuna taageeri jiray kacdoonkii Euromaidan, isagoo ku noolaa magaalada Kyiv ka hor inta uusan u guurin Ruushka markii dagaalku bilowday.
Inkasta oo xiriirkiisa taageerada Ukraine si cad u muuqday, haddana lama marsiin wax baaritaan ah marka uu qaadanayey jinsiyadda, iibsashada gawaarida ama kiraysiga bakhaarrada. Gawaaridii uu iibsaday ayaa lagu raray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu weeraray saldhigyada istaraatijiga ah sida saldhigga Belaya.
Wuxuu darawalo ka kireystay gobolka Chelyabinsk—kuwaasoo hadda la xiray—waxaana la rumeysan yahay isaga iyo xaaskiisa inay ka baxsadeen Ruushka waxyar uun ka hor weerarrada.
Kiiska Artem Timofeev wuxuu muujinayaa dhaliilo ku saabsan amniga gudaha ee Ruushka, gaar ahaan habka oggolaanshaha jinsiyadda iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada dadka qaba aragtiyo siyaasadeed oo khatar galin kara amniga. Inkasta oo uu si cad u taageersanaa Ukraine—haddana si fudud ayuu u helay muwaadinimo, hanti iyo xorriyad dhaqdhaqaaq, taasoo ugu dambeyn keentay in uu weerarro abaabulo. Tani waxay dhabar jab weyn ku tahay nidaamka ammaanka Ruushka.