Shiinaha oo Howlgal Milatari ka bilaabay Taiwan iyo Maraakiibta Dagaalka Mareykanka oo u dhaqaaqay Taiwan

Ciidamada militariga dalka Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus militari oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, waxa ayna arrintan abuurtay xaalad dagaal iyo cabsi.

Milatariga Shiinaha ayaa wararku sheegayaan in gantaallo dhowr ah oo nooca riddada dheer ah ku riday biyaha u dhow jasiiradda Taiwan, gaar ahaan xeebaheeda dhinaca waqooyiga-bari iyo koonfur-galbeed.

Dhoolatuskan milatariga Shiinaha ka bilaabeen Taiwan ayaa timid, kaddib markii booqasho ka careesiiyay xukuumadda Shiinaha gobolkaasi Shiinaha aaminsan yahay in dalkeeda katirsan yahay ku tagtay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi  .

Saraakiisha Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Taiwan, ayna caqabad toos ah ku yihiin hawada iyo baddeeda.

Dhinaca kale Taliska Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabka diyaaradaha xambaarsan ee lagu magacaabo USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay biyaha dhinaca koonfur-bari ee Taiwan.

“Markabka USS Ronald Reagan iyo kooxdiisa weerarrada fuliya waxay ka shaqaynayaan badda Philippine, waxayna wadaan howlahooda caadiga ah. Waxaa qorshaha ugu jira howlgallo qayb ka ah roondada caadiga u ah markabkan oo uu ku taageero sidii xor looga dhigi lahaa ayna u furnaan lahaayeen biyaha Indo-Pacific,” ayaa lagu yiri war uu maanta soo saaray afhayeenka ciidanka badda ee Mareykanka.

Dhoolatuskan Shiinaha ka bilaabay Taiwan ayaa abuuray cabsi dagaal, waxaana la joojiyay diyaaradihii caalamiga ahaa ee tagi jiray kana dhoofi jiray Taiwan, waxaana heegan la galiyay ciidamada iyo gantaalada difaaca ee Taiwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -