Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Xaashi & wafdigiisa oo booqday Masjidka Moscow (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa ku sugan   dalka Ruushka, ayaa booqday maanta masajidka cathedralka ee Moscow

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay imaamka iyo khadiibka Masaajidka Mudane Ildar Galeev.

Guddoomiyaha iyo xubnaha safarkiisa shaqo ku wahelinaayey waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masjidka isagoo uga mahadceliyay imaanka sida wanagsan ee milgalaha leh ee ay u soo dhaweyeen.

Cabdi Xaashi ayaa kula dardaarmay maamulka masjidka sidii dadka loo soo bandhigi lahaa wanaagga iyo xurmada ay leedahay diinta islaamka isla markaana loo bari lahaa bulsho weynta Ruushka.

Related posts

Xasan Shiikh & Taliyaha Africom oo kulan xasaasi ah yeeshay

Caydiid Ali

Tallooyin Muhiim ah oo ku socda dadka Damaashaadka u taga xeebta Liido Xilliyada Habeenkii

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo caawa la wareegay Amaanka xarunta Baarlamaanka iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---