Allbanaadir.com
NEWS

Buubaay Ganuun Salaad oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada (Sawirro)

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan deegaanka Burujaad ee gobolka Bay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay xubin ka tirsanaa kooxda Al shabaab

Buubaay Ganuun Salaad ayaa muddo dheer ka tirsanaa saraakiisha Al shabaab ee dagaalada ka waday qeybo ka mid ah Somalia.

Buubay markii uu isu soo dhiibay Ciidanka, ayaa watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa

Wuxuu sheegay inuu u dulqaadan waayey dhibaatada saaxiibadiis ku heysato duurka iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Dowlada sababtaas awgeedna uu uga tanaasulay inuu ka sii mid ahaado kooxdaas.

Saraakiisha ciidamada DF ee gobolka Bay ayaa sheegay iney soo dhoweeyeen sarkaalkan, ayna u lacageyn doonaan hubka uu la soo goostay, iyagoo xubnaha kale ee kooxda ugu baaqay iney ku daydaan.

Related posts

Farmaajo oo Deni & Axmed Madoobe uga tanaasulay qodobo uu ku dhegenaa

Caydiid Ali

Milatariga Israa’iil oo sheegay in duqeyn ku dileen Hussam Abu Harbeed

Cabdi Cade

Milatariga Iran oo Jawaab culus hawada u mariyay Mareykanka iyo Isra’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---