Ciidanka Deegaanka Xamar oo fuliyay Amar kasoo baxay Duqa Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ciidanka ilaalinta deegaanka dowlada hoose ee Xamar ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay amar uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo la xariiray in xoolaha dhax socda wadooyinka Muqdisho lagu xareeyo xarun gaar ah.

Howgal ay ciidanka Deegaanka Xamar ka sameeyeen wadooyinka magaalada Muqdisho ayey ku qab qabteen lo’ badan oo wadooyinka dhax joogay, waxaana xoolahaasi la geeyay xarunta Baadi-Qabadka oo dhawaan dib-udhis lagu sameeyay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada ay wadooyinka kasoo aruuriyeen ku dhawaad 40 neef oo Lo’  ah , waxaana xoolahan la sheegay in aysan la socod dadkii lahaa oo ku dhax fasaxay magaalada dhaxdeeda.

Dowlada Hoose ee Xamar ayaa ugu tala gasha talaabadan kor u qaadista blicda Caasimadda iyo in xalwaaro laga gaaro arimaha la xariira xoolaha magaalada lagu soo fasaxo oo caqabad ku ah bilicda iyo Nadaafada gobolka Banaadir.

Xarunta Baadi-Qabadka ee loogu talagalay in xoolaha lagu xareeyo ayaa loo diyaariyay adeegyadii kala duwanaa ee xaruntaas looga baahnaa oo ay ka mid yihiin Baadka iyo Biyaha looggu talagalay in xoolaha lagu quudiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -