Allbanaadir.com
NEWS

Mas halis ah oo gabdho walaalo ah ku dilay degaanka Shimbiraale

Mas ayaa la soo sheegayaa inuu xalay laba Gabdhood oo walaala ah ku dilay degaanka Shimbiraale oo ku yaalla miyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia

Gabdhahan walaalaha ayaa qaniinyada maska u dhintay ayaa lagu kala magacaabi ILAAHAY ha u naxariistee jiray Kaltun Xasan Jaamac iyo Farxiyo Xasan Jaamac.

Faahfaahin badan lagama hayo sida uu u dhacay weerarka Maska balse wararka ayaa sheegaya in dadka degaanku ay markii dambe dileen maska oo ahaa nooca halista ah ee qaniinyadiisa loo dhinto.

Wararka ayaa sheegaya in degaanka Shimbiraale ee uu falkani argagaxa leh ka dhacay ay ku badan yihiin xaywaanada xamaarada ah oo masasku ka mid yihiin.

Sidan oo kale sanadkii 2020 miyiga Xingalool ee isla gobolka Galgaduud labo wiil oo walaalo ahaa ayaa u geeriyooday markii uu qaniinay mas halis ah xili habeenimo ah.

Related posts

Shirkii Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo goordhaw Furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo xero milatari booqday amaana u jeediyay ciidanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo dhambaal iyo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---