Allbanaadir.com
NEWS

Qiimaha Xoolaha nool ee Suuqyada Muqdisho oo sare u kacay

Qiimaha la kala siisto xoolaha nool gaar ahaan Lo’da, Geella iyo Ariga ayaa sare uga kacay Suuqyada dalka maalmihii ugu dambeeyey, iyadoo qiimahoodu uu sare maray ku dhowaad labo jibaar intii horey loo iibin jiray.

Sare u kaca ku yimid qiimaha xoolaha oo sanad walba xiligan oo kale la arko ayaa loo sababeynaa ganacsato kumanaan xoolo ah iibsata si ay ugu dhoofiyaan dalka Sacuudiga maadaama la joogo xiligii Xajka iyo heyaddo fara badan oo iyana iibinaya xoolo fara badan si loo gowraco maalmaha munaasabada ciidul Adxaa.

Qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa sheegay in qiimaha bil ka hor la iibin jiray neefka Ariga ah iyo kan la iibiyo hadda uu farqi weyn u dhexeeyo, iyagoo taasna ku macneeyey ariga Suuqa la keenayo oo aad u yar iyo dalabka oo badan.

“Neefka ariga ah ee birimada ah waxaa bil ka hor la kala siisan jiray $100-120 Dollar hase ahaatee waxaa uu gaaray illaa 250 dollar wax ku dhow Ariga suuqa la keenana aad ayuu u yar yahay” sidaa waxaa tiri Culumo Axmed haweeney magaceeda ku sheegtay oo ka mid ah ganacsatada Ariga ku iibisa Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale Geella iyo lo’da ayaa waxaa iyana laga dareemayaa sare u kac xoogan qiimaha la kala siisto.

Sanad walba marka la soo gaaro xiligan Xajka ayaa waxaa dalka Sacuudiga loo dhoofiyaa xoolaha gaaraya tobanaan kun oo neef kuwaasoo maraakiib kala duwan ay ka daabulaan dekedaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo, halka dhinaca kale gudaha dalka. maalmaha ciidul adxaa lagu gowraco kumanaan neef oo isugu jira Geela, Lo’da ariga iyo Idaha, kuwaasoo qarashaad badan ay ku soo iibiyaan dad ILAAHAY wax siiyey iyo heyado Islaami ah, iyagoo ka dibna sadaqo ahaan u siiya dadka danyarta ah oo maalmahaas hilib ka dherga intii ILAAHAY calaf ugu daro.

Munaasabada Ciidul adxaa ayaa ku beegan maalinta Jimcaha ah ee soo socota oo ku beegan 6da bisha Juun iyadoo beri oo Khamiis ah ay ku beegan tahay 9-ka bisha Carafo oo malaayiin muslimiin ah ay isugu tagaan banka Carafo iyagoo gudanaya rukniga ugu weyn ee waajibaadka Xajka.

Related posts

Jubbaland oo dowlada Somalia ku eedeysay dagaalkii ka dhacay garoonka Kismaayo (Akhriso)

Caydiid Ali

Tirada dadka caalamka ka yimid ee gudanaya Xajka sanadkan oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Puntland oo War kasoo saartay Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug digniina u dirtay ..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---