Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo iibisay gabadheeda oo lix sano jir ah oo xukun adag lagu riday

Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu xukumay madaxaa ha ku furto, ka dib markii lagu helay in ay iibisey inanteeda oo lix sano jir ah. Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay labo qof oo gacan ka siiyey fal dambiyeedka.

Xukunka Racquel “Kelly” Smith, nin ay wada socdeen oo lagu magacaabo Jacquen Appollis iyo saaxiibkood Steveno van Rhyn ayaa yimid muddo hal sano ah ka dib markii la waayey Joshlin Smith oo markii dad ugu war dambeysey ku sugneyd gurigooda oo ku yaal meel u dhow magaalada Cape Town.

Inkastoo la qaaday hawgal ballaaran oo gabadha maqan lagu baadi-goobayey, haddana illaa hadda lama hayo meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Dacwad-oogeyaasha Koonfur Afrika ayaa shegay in inanta laga iibiyey dad wax addoonsada wallow aan caddeyn buuxda la soo bandhigin intii dacwaddu socotey.

Waxaa la rumeysan yahay in Racquel Smith oo ah qof balwd dilootay ay u baahneyd lacag, taasina ay ku riixdey in ay gabadheeda iibsato.

Xukunka saddexdan qof ayaa daba socdey siddeed todobaad oo ay saarnaayeen maxkamad soo jiidatay indhaha dadweynaha Koonfur Afrika, tiiyoo marqaatiyaal iyo dacwad oogeyaal badan ay halkaas ku soo bandhigeen eedo lala fajacay.

Garsoore Nathan Erasmus ayaa mar uu ku dhawaaqayey xukunka wuxuu sheegay in aysan jirin “wax farqi ah oo u dhexeeya dambiga loo haysto saddexda qof,” sidaas darteedna u uku xukumay xabsi daa’im.

“Eedda la xiriirta iibgeynta qof bini’aam ah, waxaa la idin ku xukumay inta aad nooshihiin oo xabsi ah, eedda la xiriirta afduubkana, waxaad ku muteysateen toban sano oo xarig,” ayuu garsooruhu cod dheer ku yiri; go’aankaas oo dadweynahihii maxkamadda dhegeysanayey ay sacab xooggan ku soo dhaweeyeen.

Garsoore Erasmus ayey ku qaadatay wax ka badan hal saac in uu ku dhawaaqo xukunka, maadaama uu si miisaaman u guudmarayey dhammaan arrimihii xusidda mudnaa ee kiiska ku gedaamnaa muddadii dawaddu soo jiitameysey.

Garsooruhu wuxuu canbaareeyey saddexda qof ee dambiga lagu qaaday, gaar haan waalidka gabadha oo uu sheegay in aysan wax qoomamo ah ka muujin ficilladooda.

“Ma hayo wax qiil ama laab duleec ah oo ay ku muteysan karaan wax ka yar muddada aan ku xukamay,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta fooshaxun ee dhaqankoodu ku yeesheen beesha Middelpos, halkaas oo gabadhu ku nooleyd oo sida uu sheegay falkani uu “dhaawacay”.

Racquel “Kelly” Smith oo 35 sano jir iyo dadkii falkan ku gacan siiyey midna ma muujin wax qashuuc iyo jixinjix ah haba yaraatee ma muujin intii xukunkooda oo ka dhacay deegaanka .

Boolisku waxay sheegeen in baadi-goobka gabadha yar uu sii socon doono, xitaa haddii raadkeedu ka gudbo soohdimaha Koonfur Afrika.

“Ma nasan doonno inta aan ka dabatageyno heleyno Joshlin ama aan ka ogaaneyno waxa ku dhacay. Waan sii wadi doonnaa raadinteeda habeen iyo maalin,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Western Cape Thembisile Patekile oo saxaafadda la hadlay.

Hay’adda Dambi-oogeyaasha Qaranka ee loo yaqaan (NPA) ayaa soo dhaweysey xukunkan, waxayna bogaadiyeen hawsha ay qabteen kooxdii ku jirtey kiiska ee xaqiijiyey Joshlin la iibiyey, dabadeedna loo geeyey ciddiii gadatay, si loo “addoonsado”.

Waxaa xusid mudan in magaca dadka la sheegay in ay gabadha yar gateen la mashaacin intii lagu gudajirey dhegeysiga dacwadda. BBC-da waxay NPA weydiisey faahfaahin dheeri ah oo la cxiriirta kiiska, balse wax jawaab ah kama helin.

Qiirada dadweynaha ka soo qaybgalay fadhiga maxkamadda ayaa ahaa mid aad u kacsan, waxaana la arkayey bulshada deegaanka falkani ka dhacay oo aad ugu careysan saddexda qof ee xukunku ku dhacay.

Related posts

Abiy Ahmed oo talaabo halis ah ka qaadaya dowlad goboleedka Tigrey

Caydiid Ali

Ciidamo Carbeed iyo kuwa ka socda Israa’iil oo dhoolatus wadajir ah sameeyay !

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay khilaafka kala dhexeeya Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---