Allbanaadir.com
NEWS

Dadka isticmaala Baraha Bulshasada oo aad ula yaabay Mustaf Dhuxulow!!

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo muddo lix bilood ah xafiiska jooga, ayaan la imaan waxqabad muuqda ama is beddel ka duwan kuwii ay horey Hay’adda Socdaalka uga sameeyeen agaasimayaashii ka horreeyay.

Mustaf Dhuxulow, ayaana hadda noqday agaasimihii ugu horreeyay ee soo mara Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dhaqaalo badan ku bixiya waxqabad aan jirin , kaaga daran waxqabadka Mustaf ku faanayo ayuu ku sheegay in la qabtay shantii bil ee lasoo dhaafay.

Hay’adaha dowladda, ayaa inta badan lagu qiimeeyaa waxqabadkoodana soo bandhigga marka ay sannad ama ka badan shaqeeyaan, waxa ayna umadda la wadaagaan wax cusub ay soo kordhiyeen masuuliyiinta hay’adaasi joogta.

Mustaf Dhuxulow oo ah siyaasi faanka aad u jecel inta badana dhaqaalo ku bixiya in xayeesiin loo sameeyo, ayaa saakay dad badan layaabeen markii ay arkeen qoraalo loo dhiibay qaaqlayaasha baraha bulshada ugu caansan iyo warbaahinta qaar , kuwaa oo Mustaf ku amaanaya waxqabad weyn in uu la yimid.

Xildhibaankan hore ee siyaasada uga fadhiistay in shaqaale dowladeed noqdo, ayaa kaliya la sheegaa in xafiiska hadda u fadhiyo sidii uu dhaqaale badan u sameyn lahaa, mana isku mashquuliyo sidii horumar loo gaarsiin lahaa Baasaboorka Soomaaliga iyo isbeddel sidii hay’adda loogu sameyn lahaa.

Agaasime Mustaf Dhuxulow oo aaminsan in mar aan fogeyn xilka laga qaadayo, ayaa sii bilaabay in uu sameesto xayeysiimo si dadka aan wax ogeyn looga gado, waxa uuna lacago kumanaan dollar ah ku bixiyay qoraal lagu sheegay waxqabadkiisa muddo shan bilood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay Xadka Soomaaliya iyo Ujeedkooda oo…

Cabdi Cade

DFS oo looga digay in Khudbosiro ka dhigto wadahadallo ay la galayso Itoobiya iyo Al Shabaab

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo maanta dil u geestay Cumar Qamarji

Cabdi Cade
Taboola Ads ---