Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonada Turkiga iyo Pakistan oo nolosha kusoo qabtay Abu Yasir Al-Turki

Sirdoonada dowladaha Turkiga iyo Pakistan, ayaa howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen sargaal sare oo katirsanaa kooxda Daacish, sargaalkan nolosha lagu qabtay ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga.

Howlgalka wadajirka ah ay fuliyeen sirdoonka Turkiga ee MiT iyo  sirdoonka Pakistan ee ISI, ayaa lagu soo qabtay ninkii ugu sarreeyay saadka iyo warbaahinta ururka Daacish ee Abu Yasir Al-Turk, waxaana ninkan laga soo qabtay uu ku dhuumaaleesanayay xadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afganistan.

Ninkan kasoo jeeda dalka Turkiga xubin sarana ka ahaa kooxda Daacish, ayaa in muddo ah waxaa raadinayay sirdoonnada dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo Yurub, waxaana ninkan uun ku jiray liiska xubnaha ugu khatarta badan ee kooxda Daacish.

Dowladda Turkiga ayaa soo qabashada ninkan amniga dalkaasi khatarta ku ahaa ku tilmaantay guul weyn, waxa ayna soo qabashada ninkan kusoo aadeysaa xilli ay hubka dhigeen koxda PKK ee dagaalka kula jiray Turkiga, taa oo soo xireysa albaabka Turkiga ee khataraha amniga Qaranka ee dibadda ugu imaan jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Ciidamo katirsan Daraawiishta Galmudug oo Dhoolotus soo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydka wiil Soomaali ah oo laga helay xabsi ku yaalla Germany & baaritaan socda

Caydiid Ali

Faahfaahin: Duqeymihii caawa ka dhacay Muqdisho & Laamaha amniga oo war ka soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---