Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay khilaafka kala dhexeeya Puntland

Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamul goboleedyada xubnaha ka ah DF.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ka go’an tahay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Fiqi ayaa muujiyay kalsooni uu ku qabo xal nabadeed oo lagu gaaro wada xaajood iyo hab iskaashi oo labada dhinac dhexmara. “Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad-goboleedyada dalka ka jira, waa hooyadii Federaalka waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi oo wareysi siiyay wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi.

Fiqi ayaa xusay in mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee wax looga qaban karo khilaafka uu yahay wada-hadal iyo sidoo kale in la ilaaliyo mudnaanta dowladda ee dhameystirka Dastuurka iyo qaabka federaalka.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu yiri Fiqi.

Qodobada ugu waaweyn ee khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland waxaa ka mid ah dastuurka iyo dhamaystirka hannaanka federaalaynta Soomaaliya.

Shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo xil saaray madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed xalinta khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland. Inkastoo aysan wali si rasmi ah u bilaaban dadaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cudurka COVID-19 oo mar kale ku sii xoogeysana Shiinaha iyo kumanaan qof oo..

Caydiid Ali

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Fariimo ku socda Antonio Guterres u dhiibay James Swam (Sawirro)

Cabdi Cade