Ciidamo Carbeed iyo kuwa ka socda Israa’iil oo dhoolatus wadajir ah sameeyay !

Ciidamo ka socday Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa dhoolotus kala qeyb qaatay ciidamo ka socday Israa’iil, kadib markii labadan dal ay dib usoo celiyeen xiriirkii ay Israa’iil la lahaayeen.

Ciidamada Badda Wadamada Imaraadka , Baxreyn iyo Israa’iil ayaa kawad qeyb galay dhoolotuska ciidan , waxaana dhoolotuskan gacan ka geesanayay ciidamada Badda dowlada Mareykanka oo sidoo kale tababar siisay ciidamada dhoolotuska sameenayay.

Dhoolatuskan oo muddo shan maalmood ah ka socday Badda Cas ayaa waxaa ka qeyb qaatay maraakiib dagaal oo laga leeyahay wadamada Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Israa’iil iyo Mareykanka.

Ciidamada kala duwan ee ka qeyb qaadanayay dhoolotuskan ayaa soo bandhigayay casharo la baray ay kamid ahaayeen sida ded deg ah ee loo fuulo Maraakiibta iyo sidoo kale qaabka loo qabto maraakiibta.

Dowlada Iran ayaana si weyn uga carootay dhoolotuskan ay sameeyeen wadamada Carbeed iyo Israa’iil, waxa ayna iran ku dhawaaqday in ciidankooda dhoolotus ka sameenayaan  Marin biyoodka Hormuz.

Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa kamid ahaa dowladaha Carbeed ee dib usoo celiyay xiriirkii kala dhaxeeyay Israa’iil, waana mida maanta keentay in ciidamada wadamadan si wadajir ah u sameeyaan dhoolotus ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -