Allbanaadir.com
NEWS

Dil argagax leh oo ka dhacay Afgooye iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Waxaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose , ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin maseyrsan uu baangad ku dilay nin kale oo la sheegay in uu uga shakiyay in xaaskiisa xiriir kala dhaxeeyo.

Sida aan wararka ku helnay falka dilka ah ayaa ka dhacay xaafada Siigaale ee degmada Afgooye, waxaana halkaasi lagu dilay marxuum magaciisa lagu sheegay Xasan Cali Isaaq, oo kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaabay Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ninka dilka geestay uu u yimid ninka uu dilay uuna weydiiyay xaaskiisa oo kasoo dhaxday in uu meel uga sheego, waxaana la sheegay in ninka dilka geestay uu maruumka uga shakisanaa in xaaskiisa xiriir kala dhaxeeyo.

” Ninka isaga oo socda ayuu gadaal uga yimid, waxa uu weydiiyay halka uu geeyay xaaskiisa uu uga shakisnaa, ninkii ayaa ugu jawaabay ma arag xaaskaaga ee raadso, ninkii markii uu sii dhaqaaqay surka ayuu baangad uga dhuftay, ninkii asoo dhaawac halis ah ayaa la qaaday wuuna dhintay” ayuu yiri nin goobjooge.

Ninka dilka geestay ayaa la sheegay in goobta uga baxsaday mooto Fekon uu watay, laamaha amaanka ayaana la sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan ninka degmada Afgooye maseyr dartiis maanta nin kale ugu dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhaan Cumar oo si kulul u cambaareysay talaabo ay qaaday dowlada Israel

Caydiid Ali

QM oo ceyrineysa shaqaale badan & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey tacshiirad la isku weydaarsaday xadka labada Kuuriya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---