Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.
Gogoshan uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu casuumay siyaasiyiinta mucaaradka iyo bulshada rayidka, waxaana gogoshan iyo qaban qaabadeeda Madaxweynaha u xil saaray Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Maxallin.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmahan shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa shalay ku dhawaaqay madal ay ku mideysan yihiin, lamana oga sida ay u aqbali doonaan mucaaradka gogoshanwadatashiga ah uu Madaxweynaha fidiyay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.