Allbanaadir.com
NEWS

Dood iyo hadal heyn ka dhalatay liis Safaaradeed oo Kenya soo saartay

Dowladda Kenya ayaa soo saartay qoraal hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, kaddib markii liiska safaaradaha iyo wakiillada diblumaasiyadeed ee jooga magaalada Nairobi lagu soo daray maamulka Somaliland,

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Kenya , ayaa dood iyo hadal heyn badan kaddib saxday liiskii safaaradaha iyo wakiillada diblomaasiyadeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi ku sugan.

Tallaabadaan ay qaadday xukuumadda Kenya ayaa jawaab u ahayd, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyey link ay kujiraan safaaradaha dalka ee deggan Muqdisho gaar ahaan qaaradda Afrika oo lagu daray magaca “The Republic of Somaliland”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa listi cusub oo ay soo saartay kaga saartay maamulka Somaliland oo markii hore la galiyay numberka 20 aad, waxaana arrintan abuurtay dood iyo hadal heyn aad u badan.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli Madaxweynaha maamulka Somaliland uu joogo magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, dhawaana xarigga ka jaray xafius uu ku sheegay safaarad, inkastoo dowladda Kenta shaacusay in xafiiska la furay uusan aheyn mid diblumaasiyadeed.

Liiskii hore

Liiska dambe

Related posts

Walaalo ku eedeysnaa dilka nin Masuul ahaa oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Masuuliyiin Mareykan ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Maamul goboleedyada Qaar (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Xoosh oo ka hadlay Dooda ka taagan mooshinka Jawaari laga gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---