Abiy Ahmed oo talaabo halis ah ka qaadaya dowlad goboleedka Tigrey

Dowladda Itoobiya ayaa ka fiirsaneysa dhowr waddo oo lagula dhaqmayo dowlad goboleedka Tigrey haddii tan iyo Isniinta ay u hogaansami waayaan amarrada dowladda.

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimaanaya oo ay deeganada qaar ku dhaqaaqeen.

Afhayeenka Aqalka Federationka Aadan Faarax ayaa sheegay in dowladu dooneyso in lakala diro Baarlamaanka Gobolka Tigrayda hadii ay taas dhici weysana ciidamo loo dirayo gobolkaas.

Itoobiya ayaa khalalaase wajahaysay tan iyo bishii la soo dhaafay ka dib markii gobolka Tigreeda ay doorasho u gaar ah qabsadeen.

Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.

Khilaafkan ayaa yimid ka dib markii doorashada guud ee dalka Itoobiya dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona, hase ahaatee Maamulka gobolka Tigray ayaa ka soo horjeestay go’aankaas, iyagoo sheegay iney qabsanayaan doorashada taasoo markii dambe dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -