Maxkamad ku taal gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukun toban sano ah ku ridday labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dhimashada qoys u dhashay dalka Hindiya oo baraf u dhintay xilli ay isku dayayeen inay Mareykanka ka soo galaan dalka Canada.
Harshkumar Ramanlal Patel iyo Steve Anthony Shand, ayaa lagu helay dambi la xirriira ka ganacsiga dadka, shirqoolka iyo dil bishii November ee la soo dhaafay.
Saraakiisha ayaa sheegay in Jagdish Patel, xaaskiisa Vaishaliben iyo caruurtooda ay ku socdeen heerkul hoose oo aan ka yarayn -8 degree Celsius.
Meydadka Jagdish Patel, oo 39 jir ah, xaaskiisa Vaishaliben, 37 jir ah, iyo laba carruur ah oo ay dhaleen, Vihangi oo 11 jir ah iyo Dharmik oo saddex jir ahaa, ayaa la helay bishii Janaayo sanadkii 2022-kii.
Lammaanaha Hindida ee dhintay ayaa labaduba ahaa macalimiin, waxa ayna doonayeeb iyaga iyo carruurtooda in ay soo galaan Mareykanka , si ay u helaan shaqo iyo nolol dhaabta tii ay heesteen