Waxaa maalmihii lasoo dhaafay sii xoogeesanayay, wararka sheegayay in maamulka Puntland uu hoggaamiyo Siciid Deni bilaabeen in macdan ka baaraan buuraha Calmiskaad iyo Caalmadod ee ku kala yaalla gobolada Bari iyo Sanaag.
Warkan macdan qodis ah oo ay baahiyeen siyaasiyiin mucaarad ah, ayaa waxaa si weyn u beeniyay maamulka Puntland, waxa ayna sheegeen in warkan uu yahay mid siyaasadeysan oo lagu qarinayo guulaha dagaalka ee Calmiskaad.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay BBC qaybteeda afka Soomaaliga, ayaa beeniyey jiritaanka macdan qodis iyo sahmin ay maamulka sameeyay, wuxuuna sheegay in dadka arrintaasi buunbuuninaya ay ka xun yihiin guulaha laga gaarey kooxaha argagixisada.
“Ma jirto macdan ay Puntland qodato ama baaritaan ku samaysay, dadka arintaas nagu eedeeyay waa kuwo dawlad nimadda iyo guusha Puntland ka gaartay kooxaha argagixisada ah diidan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid.
Maamulka Siciid Deni hoggaamiyo ayaa xilligan wajahaya mucaaradad uga imaaneysaa siyaasiyiin deegaanka kasoo jeeda, waxa ayna siyaasiyiintan bilaabeen olole lagu sumcad dilayo maamulka Madaxweyne Deni hoggaamiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com