Xarun lagu tababari jiray xubnaha ku biiraya Al Shabaab oo lala wareegay

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa maanta la wareegay xarun ku taala deegaanka Kwale oo la sheegay in lagu tababari jiray xubnaha kamidka noqonaya dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiil katirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in ciidamada booliiska weerar ku qaadeen xaruntan lagu tababari jiray Al Shabaab, waxa ayna ciidamada xaruntaasi ka sameeyeen baaritaano agab kala duwan lagu soo qabtay.

Booliiska ayaa dhismaha xaruntan waxa ay ka heleen  waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ay isticmaalaan, Daacish, Al-Shabaab iyo Boko Haram.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Kwale, Tom Odero, ayaa  sheegay in ay goobtan ka mid ahayd meelaha wax lagu baro dhaq-dhaqaaqyada Argagixisada ah, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah qoraallada lagu turjumay Afka Sawaaxiliga,  si ay u aqristaan.

Booliiska Kenya ayaan ku guuleesan in ay dad kusoo qabtaan weerarka ay ku qaadeen xaruntan la sheegay in lagu tababari jiray xubnaha doonaya in ay ku biiraan dagaalyahanada Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -