Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay dad u dhashay Israa’iil oo lagu eedeeyey..

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday wareeggii koowaad ee cunaqabateyn sida uu dhigayo amar fulineed cusub oo lagu beegsanayo kuwa rabshadaha ka wada Daanta Galbeed.

Cunaqabataynta cusub oo xannibaysa hantidooda maaliyadeed kana mamnuucaysa inay yimaadaan Maraykanka ayaa bartilmaameedsaday afar qof oo Israel u dhashay.

War qoraal ah oo uu soo saaray Khamiistii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu ku sheegay in “Israa’iil ay tahay inay wax badan ka qabato sidii ay u joojin lahayd rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sugan Daanta Galbeed ayna la xisaabtanto kuwa mas’uulka ka ah.

Talaabadan ayaa diiradda saaraya afar qof oo lagu eedeeyey inay si toos ah rabshado ama caga-jugleyn ka geysteen daanta Galbeed sida ayay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Waxaa ku jira dad lagu eedeeyay inay abaabuleen oo ay hormuud ka ahaayeen rabshado; dab la qabadsiiyay dhismayaal, beero iyo gaadiid; ku xadgudubka rayidka; iyo burbur hantiyeed.

Afarta qof ee la magacaabay ayaa kala ah David Chai Chasdai, Einan Tanjil, Shalom Zicherman iyo Yinon Levi.

Aqalka Cad ayaa ku wargeliyay dowladda Israel qorshaheeda ka hor amarka oo xannibi doona hantida iyo macaamilka Maaliyadeed ee shakhsiyaadka dhinaca Maraykanka wuxuuna ka mamnuuci doonaa dadka Maraykanka ah inay maalgeliyaan ama lacag ku darsadaan.

Madaxweyne Joe Biden waxa uu la kulmay diidmo kaga timid qaybo muhiim ah oo ka mid ah isbahaysigiisa siyaasadeed oo uu ku taageeray Israel dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Gaza.

Inkasta oo amarkan aan la filayn in uu wax ka qabto xaaladda Gaza, haddana waxa ay calaamad u noqon doontaa mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee uu qaaday si uu u dhaleeceeyo Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, waxaana ay noqon kartaa calaamad ka timid Biden oo ku wajahan Muslimiinta iyo Carabta-Maraykanka cod-bixiyayaasha ee ka xanaaqay diidmadiisa inuu ku baaqo xabbad-joojin.

- Advertisement -