Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ,oo garab ka helaya ciidanka Macawiisleyda ee gobolka Hiiraan, ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel-dheere oo qiyaastii 8-km u jira magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ciidanka huwanta ah fuliyeen ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha ciidanka hoggaamineysay sheegeen in lagu dilay 10 xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka oo garab weyn ka helaya ciidanka Macawiisleyda , ayaa howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaanno katirsan gobolkaasi, waxaana howlgallada ka dhan ah Al Shabaab khasaaro badan lagu gaarsiiyay kooxdaasi.
Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Sahal Cabdullaahi, ayaa gobolka Hiiraan u jooga abaabulka dagaallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo isku dayeesa in gobolkaasi soo gasho.