Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo War ka soo saartay dhalashada bisha Soonfureed ee Shawaal

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey iney beri oo Jimco ah tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Wasiirka Arrimaha diinta iyo awqaafta ee Somaliland ayaa ka sheegay magaalada Hargeysa in bisha Shawaal laga arkay degaano ka tirsan Somaliland sidaas awgeedna beri laga ciidayo Somaliland.

Sacuudiga iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Turkiga iyo kuwa khaliijka ayaa iclaamiyey iney tahay beri maalin ciid ah, lana arkay bisha Shawaal.

Hase ahaatee dalalka Australia, Indonesia, Malaysia & kuwo kale ayaa sheegay iney beri buuxinayaan 30ka Ramadaan ka dib markii laga arki waayey bisha Shawaal.

Dowlada Somalia ayaan illaa hadda war ka soo saarin iney beri tahay ciid iyo in kale, inkastoo madax ka tirsan dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ay baraha bulshada ku faafiyeenb hambalyada ciidda.

Sidoo kale masaajida magaalada Muqdisho qaarkood ayaa joojiyey salaadii taraawiixda, iyagoo bilaabay takbiirta ciida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Ahmed oo qarka u saaran inuu ka laabto heshiiska xiisada dhaliyey ee Somaliland

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhamaaday musiibo ka dhacday dalka India (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo danjireyaal cusub u magacowday dalalka Itoobiya & Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---