Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay hogaaminayeen Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye.
Nabadoonada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hoygiisa kusoo booqday Duqa cusub ee magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay in markale loo magacaabo guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyagoona ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.
Muungaab, ayaa u sheegay odayaasha uu qaabilay in uu la imaan doono maamulka uu hoggaamin doono isbeddel muuqda kana shaqeyn doono nabadda iyo horumarka caasimadda Soomaaliyeed uu Muqdisho, isagoona odayaasha ka codsaday in ay taageeraan.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Muungaab, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda xilka si rasmi ah ula wareego, waxaana Muungaab lagu soo xulay waxqabad muuqda iyo karti, waxaana dib u magacaabistiisa si weyn usoo dhaweeyay shacabka Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com