Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo wada howlgallo ka dhan ah Daacish (Sawirro)

Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa howlgal cir iyo dhul ah ka sameeyay deegaanno katirsan buuraha Calmiskaad ay ku sugnaayeen firxadka Daacish, waxaana howlgalka lagu dilay xubno katirsan kooxda Daacish.

Howlgalka ciidamada fuliyeen oo ahaa mid qorsheysan ayey ka fuliyeen degaannada Xal iyo Walinsoor , waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in howlgalka lagu dilay xubno katirsanaa kooxda Daacish, halka lagu gubay raashin iyo agabyo kale ay Daacish lahaayeen.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka ay ka wadaan deegaanno katirsan buuraha Calmiskaad ay yihiin cir iyo dhul ayna ku beegsanayaan firxadka kooxda Daacish oo wali ku sugan qeybo kamid ah Calmiskaad.

Ciidamada Puntland, ayaan wali soo afjarin howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish, waxaana hadda socda abaabul ay wadaan ciidamaa Puntland, kuwaa oo doonaya in ay xoojiyaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa buuraha Calmiskaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyey inuu si toos ah ugu biiray dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Fallaagada OLA oo dad ka badan boqol qof ku dishay Itoobiya iyo Xawaale Wadareed la helay

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo qabsaday Magaalo weyn oo ku taalla gobolka Tigray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---